Horjoogeyaal ka tisan maleeshiyada Alshabaab oo lagu Khaarajiyey duqeyn ka dhacday Saakow

SHARE

Facebook

Twitter

Muqdisho (somalipm.com)-In ka badan 12 ka mid ah maleeshiyaadka Alshabaab ayaa lagu dilay duqeyn ka dhacday degmada Saakow ee gobolka Jubbada dhexe, halkaas oo ay gacanta ku hayaan kooxda argagixisada ah ee Alshabaab, sida uu Wakaaladda somalipm.com u sheegay ku-simaha Wasiirka Warfaafinta ahna wasiir ku-xiggeenka wasaaradda Mudane Aadan Isaaq Cali

Mudane Aadan Isaaq Cali ayaa sheegay in Duqeynta dhinaca cirka ah lala beegsaday Xalay goob ay ku shirsanaayeen horjoogeyaal ka tirsan maleeshiyada Alshabaab oo gaarayay 37.

Waxa uu intaas ku daray in dadka duqeynta lagu dilay ay ku jiraan Labo ka tirsan horjoogeyaasha sar sare ee maleeshiyada Alshabaab, halka  dhaawac culus uu kasoo gaaray Xasan Yacquub oo ka mid ah horjoogeyaasha kooxda Alshabaab, horayna usoo noqday Afhayeenka Kooxdaasi.

Dowladda Soomaaliya oo garab ka heleysa saaxiibbadeeda caalamka ayaa dar dar gelisay duqeymaha iyo weerarrada ay argagixisada Alshabaab kula beegsaneyso goobaha ay dalka kaga sugan yihiin.

SHARE

Facebook

Twitter

Previous articleKulan wadatashi ah oo ku aadan siyaasadda arrimaha bulshada oo Muqdisho ka dhacay “Sawirro”
Next articleShir looga hadlayay tayo dhowrka kalluunka Soomaaliya laga dhoofiyo oo Muqdisho ka dhacay+sawirro


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here