Howlgalo ka dhan ah Maleeshiyada Alshabaab oo ka socda Jubbaland

SHARE

Facebook

Twitter

Kismaayo(somalipm.com) Iyadoo ay sii kordhayaan dhibaatooyinka ay Maleeshiyaad Shabaab ku hayaan dadka shacabka ah ayaa waxaa soconaya qorshayaal ku aadan sidii dadkaasi looga dulqaadi lahaa dhibaatooyinkaasi,kuwaasi oo ah howlgalo lagu sifeynayo Alshabaab oo ay wadaan ciidamada Darwiishta Jubbaland.

Goobaha bartilmaameedka ah ee ugu horeeya ayaa ah deegaanada dhaca dhinaca Waqooyi ee magaalada Kismaayo,sida uu sheegay Taliyaha Ciidamada Daraawiishta ee Dowlada Goboleedka Jubbaland Xasan Maxamed Aadan,wuxuuna intaasi ku adaran in dhawaan la qaadayo howlgal safballaaran ah oo ka dhan ah argagixisada Alshabaab.

Shacabka kunool deeganada dhanka Waqooyi ee magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa cabasho ka muujiyay dhibaatooyin ay kala kulmaan maleeshiyadaasi Alshabaab,kuwaasi oo handadaad ku haya rayidka.

Maamulka Jubbaland ayaa diyaariyay ciidamo loogu talagalay in ay ka qeyb qaataan howlgalkaasi qorsheysay oo lagu qaadayo deegaanada ay ku sugan yihiin Alshabaab,waxaana lafilayaa in dhawaan kooxahaasi shacabka dhibaataynaya ay ka saaraan deegaanada ay ku sugan yihiin.

SHARE

Facebook

Twitter

Previous articleRa’iisal wasaaraha XFS oo xalay booqday dadka ay saameynta ku yeesheen Roobabkii ka da’ay Muqdisho


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here