Imaaraadka oo ugu baaqay  Suudaan iyo Itoobiya in ay dejiyaan  xiisadda ka taagan xadka labada dal

Share on Facebook

Tweet on Twitter

Dowaladda Imaaraatka ayaa ugu baaqday  labada dal ee Suudaan iyo Itoobiya inay ka fogaadaan wax kasta oo ku sii kordhin kara  xiisadda militari ee ka taagan xuduudaha labadaas dal.

Qoraal ay soo saartay Wasaaradda arrimaha dibadda ee imaaraataka ayaa lagu yiri: “ dowladda imaaraatku waxay rajeyneysaa in laga fogaado xiisad colaadeed oo ka dhax dhalata dowladaha Suudaan iyo Itoobiya, waxayna ugu baaqeysa labad dal inay ka wada shaqeeyaan xasiloonada gobalka”.

Dowladda Imaraatka ayaa sheegtay inay xiriir wanaasgan la leedahay labada dal iyadoo ugu yeertay inay khilaafka jira ku wada xalliyaan miiska wada hadalka.

Suudaan ayaa sheegtay in ciidamo Itoobiyaan ah ay weerar kusoo qaadeen degaanka Al-Fashaqa ee ku yaala xuduudaha Suudan iyo Itoobiya,  halkaas oo ay ku dileen 6 qof.

Itoobiya ayaa iyaduna  ku eedeysay Suudaan inay jabisay heshiiskii ay labada dal kala saxiixdeen 1972-dii ee ku saabsanaa arrimaha xuduudaha.

SHARE

Facebook

Twitter

Previous articleRa’iisul wasaaraha Kuwayt oo  is-casilaadda xukuumaddiisa u gudbiyay Amiirka dalkaas
Next articleWasiirka  caafimaadka iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir oo ka wada hadlay adeegayada caafimaadka ee caasimada “SAWIRRO”


Source: somalipm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here