Indonesia: dhimashada & khasaaraha  dhulgariirka oo sii kordhaya

SHARE

Facebook

Twitter

Illaa 384 ruux ayaa la sheegay in ay ku dimatay dhulgariir iyo duufaan wada socda oo ka dhacay caasimadda Jasiiradda Sulawesi ee Palu,kaas oo cabirkiisa lagu tilmaamay 7.5

Dhaawaca ayaa la xaqiijiyay in uu gaarayo dhowr boqol oo qof,halka burburkii ka dhashay dhulgariirkaasi uu aad u sareeyo sida laga soo xigtay Wakaaladda ka hortagga Masiibooyinka dalka Indonesia.

Muuqaal laga soo duubay masiibadaasi oo baraha bulshada lagu baahiyey ayaa waxaa ka muuqata dadka goobta duufaanta ku dhufatay ku noolaa oo kala cararaya iyo biya xoog badan oo guriyaha soo galaya.

Bishi August 5-teeda dhul gariir ku dhuftay jasiiradda Lombok ee Indonisiya waxaa ku dhintay dad ka badan 460 qof.

Dhul gariirka ku dhuftay bartamaha Sulawesi ayaa wuxuu saameeyey dhul dhan 10km.

Duufaanta Tsunami ee Pelu ku dhufatay oo horay digniin looga sii bixiyey, waxay dhacday saacado kaddib marki digniinta la shaaciyey.

Khasaaraha ka dhashay dhuk gariirkaasi ayaa laga yaabaa in ay intaasi ka sii badato.

SHARE

Facebook

Twitter

Previous articleMaxkamadda gobolka Banaadir oo dhagaysatay dacwad la xiriirta Musuq-maasuq.”Sawirro”


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here