Isra’iil oo go’aamisay in la dumiyo xaafad ay leeyihiin Falastiin.

SHARE

Facebook

Twitter

Qasa(somalipm.com)–Dadka reer Falastiin iyo kooxaha u dhaqdhaqaaqa xuquul insaanka ayaa cambaareeyay go’aanka ay gaartay maxkamad sare oo ku taalla Isra’iil oo  ku saabsan in ciidamada Mileteriga dalkaasi ay dumiyaan ama burburiyaan xaafad ay leeyihiin dad reer Falastiin ah oo lagu magacaabo Badawiyiin(Bedouin).

Xaafaddaasi ayaa ka mid ah dhulka Daanta Galbeed ee ay heystaan Isra’iil,waxaa lagu magacaabaa Khan al-Ahmar, halkaasi oo ay deggan yihiin dad gaaraya 180-muwaadiniin ah.

Maamulka Falastiin Hadal ay maalinimadii shalay ka soo saareen xarunta ay ku leeyihiin deegaanka Ramallah,ayay ku sheegeen in la joojiyo go’aanka lagu burburinaayo deegaankaasi,isla markaana lagu sameynayo dhismo mashruuc sharci darro ah oo lagu abuurayo guryo ay leeyihiin dadka Yuhuudda.

Maxkamadda sare ee Isra’il waxa ay diiday ama ku gacanseyrtay codsi ay gudbiyeen Falastiin oo la xiriiray in aan la dumin xaafaddaaasi.

 Khan al-Ahmar,waxa ay dhowr kiilomitir u jirtaa deegaanka Jerusalem, waana goobaha ay Isra’iil dooneyso in ay ka fogeyso dadka Badwiyiinta ah ee Falastiin.

SHARE

Facebook

Twitter

Previous articleWasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya oo u ambabaxay Jabuuti


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here