Itoobiya oo sheegtay inay sii wadayso howl-galkeeda Soomaaliya

SHARE

Facebook

Twitter

Addis Ababa-(somalipm.com)-Wasaaradda arrimaha dibedda Dalka Itoobiya ayaa shaaca ka qaadday inay ka go’an tahay inay Soomaaliya kasii howl-galaan Ciidamadeeda inta si weyn loo wiiqayo Al-Shabaab.

Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibedda Itoobiya, Meles Alem, ayaa Shalay u sheegay Saxaafadda inay Dowladdiisu doonayso inay sii waddo shaqada AMISOM ee la dagaallanka argagixisa.

Wuxuuna midowga Afrika u soo jeediyay inaysan ka bixin Soomaaliya illaa la naafeeyo Al-Shabaab ama ay Ciidamada Soomaaliya awood buuxda ugu yeelanayaan sugidda ammaanka Dalka.

Ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM ayaa Dalka Soomaaliya yimid 2007-, si ay ula dagaallamaan Al-Shabaab iyo kooxaha argagixisada ee kasoo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa wadda qorshayaal lagu dhisaya Ciidamada Xoogga iyo Booliska, si ay ammaanka Dalka ula wareegaan marka ay laabtaan Ciidamada midowga Afrika ee AMISOM.

Isha/ Anadolu

SHARE

Facebook

Twitter

Previous article10 Samafalayaal ah oo lagu Afduubtay Dalka Koofurta Suudaan


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here