Japan:Duufaanta Jebi oo geysatay raadad burbur ah.

SHARE

Facebook

Twitter

tOKIYO(sonna)– Ugu yaraan 10 ruux ayaa Ku geeriyootay duufaan ku dhufatay dalka Jabaan,taasI oo ah tii ugu xumeyd ee dalkaasi soo marta 25-sano kadib.

Duufaanta Jebi ,waxa ay ka taKtay raadad burbur ah oo gaaray Galbeedka dalkaasi,gaar ahaan magaalooyinka Kyoto iyo Osaka .

Safarada Duulimaadyada,Tarinada iyo socodka Doomanka ama Maraakiibta yaryar ayaa la hakiyay,iyadoo kumanaan ruux oo rakaab ah ay ku xaniban yihiin Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Osaka.

Warku waxa uu intaasi ku darayaa in dabeylaha ay sii qaboobayaan ama sii yaraanayaan,ayaa hadddana dadka waxaa loogu baaqay in ay muujiyaan feejignaan.

Ilaa 3-boqol oo qof ayaa ku dhaawacmay duufaantaasi,sida uu wariyay Afhayeen u hadlay Dowladda dalka Jaban oo lagu magacaabo Yoshihide Suga.  

SHARE

Facebook

Twitter

Previous articleShir looga hadlaayay Cudurada AIDS-ka iyo TB-da oo ka dhacay Bijiin +Sawirro


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here