Jubbaland oo Tababar usoo xirtay Ciidamo si gaara loo Tababaray

SHARE

Facebook

Twitter

Muqdisho (somalipm.com) Taliska Ciidanka ilaalada Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa soo saaray Dufcadii Afaraad oo si gaara loogu tababaray ilaalinta Madaxtooyada iyo ka Hortaga Cadowga.

Cutubkan ilaalada Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa loo tababaray hubka culus, ka hortaga cadowga, ilaalinta Madaxda iyo Xaaladaha deg dega.

Dhamme Axmed Bashiir Dhaga cade oo kamid ah Tababarayaasha soo saaray ciidankan gaarka ah ayaa sheegay ay wax badan kusoo kordhin doonaan Amniga, lana sii wadi doono Tababarada la siiyo Ciidammada Qalabka sida ee Jubbaland si guul looga gaaro Dagaalka Dowlada dhexe iyo Maamulada hoostaga ay kula jiraan Argagaxisada Al shabaab.

Ciidammada Jubbaland iyo kuwa Xoogga Dalka ayaa Howlgalo deegaano dhowr ah looga sifeeyay Cadowga Umadda Soomaaliyeed ee Al shabaab waxay ka wadaan Jubbooyinka iyo Gedo.

SHARE

Facebook

Twitter

Previous articleSoomaaliya iyo Germany oo kala saxiixday heshiisyo Horumarineed”Sawirro”
Next articleRa’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo u Ambabaxay Dalka Sucuudiga


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here