Kameroon: kooxo gooni u goosad ah oo ku hadla luqadda Ingiriiska oo la dhigay Xabsiga.

SHARE

Facebook

Twitter

Maxkamad ku taalla dalka Cameroon ayaa maalinimadii Jimcaha xukuntay todobo qof oo ka mid ah dadka ku hadla luqadda Ingiriiska ee tiro ahaan loo nisbeeyo in ay ka yar yihiin bulshada dalkaasi.

Kooxdaan oo lagu xukumay xabsi u dhaxeeya 10-15-sano ayaa lagu eedeeyay in ay gacansaar la leeyihiin kooxaha fallaagada iyo kuwa kale ee loo aqoonsan yahay argagixisada.

Dadka la dhigay xabsiga waxaa ka mid ah hogaamiyihii kooxdaasi Mancho Bibixy oo lagu xukumay 15-sano iyo suxufi lagu magacaabo Thomas Awah oo baahiya wararka Idaacad ku taalla gobolka W.galbeed ee dalkaasi.

Xukunka  oo maalinimadii Jimcaha ka dhacay caasimadda dalka Cameroon ee Yaounde,ayaa warku intaa ku daray in maxkamadda Mileteriga ay sidoo kale raggaasi ku ridday ganaax dhan 268 Million oo lacagta dalkaasi ah.

Dadka ku hadla luuqadda Ingiriiska ee dalka Cameroon ayaa muddo badan doonayey in ay helaan madaxbanaani.

SHARE

Facebook

Twitter

Previous articleBooliska Malaysia oo sheegay in Lacago dheeraad ah laga heley gurigii uu degnaa Najib Razak
Next articleDufaanta Mekuku oo laga cabsi qabo inay gaadho Waddamo hor leh


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here