Kulan dhex maray Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Safiirka Sweden u fadhiya Soomaaliya +Sawirro

SHARE

Facebook

Twitter

Muqdisho-(somalipm.com)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya mudane, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, ayaa Maanta Xafiiskiisa ku qaabbilay  Safiirka Dowladda Sweden u jooga Soomaaliya.

Kulanka ayay Labada masuul kaga wada hadleen xoojinta xiriirka iskaashi ee Labada Dowladood iyo sidii ay u wada shaqyn lahaayeen Labada Baarlamaan ee Dowladaha Soomaaliya iyo Sweden.

Safiirka Sweden u fadhiya Soomaaliya Amb,  Andres Uon Unexkull,  ayaa uga Tacsiyadeeyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya geeridii ku timid Hooyadii oo bartamihii Todabaadkan ku geeriyootay Magaalada Baydhabo.

Kulankan dhex maray Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya iyo Safiirka Sweden u jooga Soomaaliya ayaa ah mid sare loogu sii qaadayo saaxiibtinimada Labada Dowladood, waxanay niyad wanaag wada jir ah ka muujiyeen sida ay ugu go’an tahay in ay Labada Dal yeeshaan wax wada qabsi ballaaran.

SHARE

Facebook

Twitter

Previous articleRa’iisul Wasaaraha Dalka oo kormeeray habsami u socodka Barnaamijka Is-xilqaan+Sawirro
Next articleKualn looga hadlayay is-dhex galka Bulshada iyo Boliiska oo ka dhacay Baladweyne


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here