Kulan looga hadlayey dardar gelinta Howlaha la dagaalanka Burcad badeeda oo lagu qabtay gobolka Mudug “Sawirro”

Mudug (somalipm.com), Kulankaan oo ahaa mid looga hadlayay dardar gelinta ilaalinta xeebaha
iyo la dagaaalanka burcad badeeda iyo kaluumeysiga sharci darada ah, ayaa  waxaa guddoomiyaha gobalka Mudug iyo saraakiisha ciidanka booliska ay la qaateen ciidamo ka tirsan booliiska ilaalada xeebaha,  kuwaasi oo  dhawaan lasoo xiray tababar la xiriira ilaalinta xeebaha.

Taliye ku xiggeenka qeybta booliska Gobalka mudug G/dhexe Maxamuud Cilmi Gulaafe, ayaa ugu horeyn ka warbixiyey ciidankaan iyo howlihii loo soo tababaray, isaggoona sheegay in ay tahay tababarka ay qaateenm mid wax weyn ka tari doona la dagaalanka burcad badeednimada tahriibkai yo kaluumeysiga sharci darada ah.

Guddoomiyaha gobalka Mudug C/rashiid Xaashi Cartan, ayaa isna ku booriyay in tababarka ay soo qaaten uga faa’iideeyaaan bulshada Soomaaliyed,  waxaana uu tilmaamay in baahi weyn ay u qabeen in la helo ciidamo heysta tababar ku filan oo la xariira ilaalinta xeebaha maadaama ay jiraan dhibaatoyin lagu hayo kaluumeeysatada Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha, ayaa Dawladda federaalka Soomaaliya ka codsaday in laga caawiyo waxyaabaha ka dhiman oo isugu jira qalab iyo tababaro kasii badan kuwa hadda ay soo qaateen ciidamada booliiska qeybtooda ilaalada xeebaha.

Qaar ka mid ah ciidamadii tababarka soo dhameystay oo iyaguna la hadlay warbaahinta Qaranka, ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin tababarka ay soo qaateen, ayna diyaar u yihin gudashada waajibaadka Qaran ee ka saaran ilaalinta xeebaha dalka.


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here