Kulan Taariikhi ah oo lagu wado in uu dhexmaro Madaxda 2-da Kuuriya

(somalipm.com)Madaxweynaha W./Kuuriya Kim Jong-un ayaa noqonaya Jimcaha soo socda hogaamiyihii ugu horeeyay dalkaasi ee ka gudba aagga loo calaameeyay  ciidamada ee kala qeybiya gacanka Kuuriya.

Mr. Kim Jong-un,waxa uu la kulmi doonaa Madaxweynaha K/Kuuriya Mr.  Moon Jae-in, ,waana markii ugu horeysay muddo 10-sano ah oo ay kulmaan Dibolomaasiyiin ka socda labadaasi dal.

Faahfaahin cusub oo ay bixiyeen Mas’uuliyiinta K/Kuuiya ayaa sheegaya in  Mr Moon uu la kulmi doono Mr Kim,isla markaana ay ka wadahadli doonaan qodobbo badan.

Wadahadalada taariiikhiga ah ,waxaa diiradda lagu saari doonaa soo jeedintii dhowaan  ka timid W.Kuuriya ee la xiriirtay in ay joojineyso tijaabinta hubka Niyuklerka.

K/Kuuriya waxa ay sheegeen in wadahadallo laga gaaro arimaha hubka ay noqon doonaan kuwo adag,sababtoo ah W/Kuuriya waxa ay muddooyinkaan horumar ku sameyneysay hubka Niyuklerka iyo gantaalaha xambaara.


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here