Lix Qof oo ku dhimatay qarax ka dhacay Dalka Ciraaq

SHARE

Facebook

Twitter

Baqdaad-(somalipm.com)-Ugu yaraan Lix Qof ayaa ku geeriyootay 30 kalena dhaawacyo ayaa kasoo gaadhay qarax Gaari oo gelinkii dambe ee Shalay ka dhacay Magaalada Mawasil ee Dalka Dalka Ciraaq.

Gaarigan Miineysan oo aan noociisa la sheegin ayaa la dhigay agagaarka Maqaaxi iyo goob Suuq oo ku yaalla Degmada Qayyara ee dhacda Waqooyiga Mawasil, sida ay Al-Jasiira u sheegeen Saraakiisha Boliiska.

Ma jirto Koox sheegatay masuuliyadda qaraxan, balse General Najim al-Jabouri, oo ka tirsan Saraakiisha ugu sar sarreeysa Boliiska Mawasil ayaa ku eedeeyay falkan inay ka dambeysay Daacish.

SHARE

Facebook

Twitter

Previous articleWasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha iyo Maamulka Gobalka Banaadir oo Kulan soo dhaweyn ah u sameeyay ciyaartoyda qurbajoogta


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here