Maamulka dalka Airland oo Soomaaliya ku yaboohay lacago kaalmo ah.

Somalia flag with Ireland flag, 3D rendering

Mas’uuliyiin ka tirsan Xafiiska R/wasaaraha dalka Airland,kan Arimaha Dibadda ,Qurbojoogta iyo xiriir Caalamiga ah ee horumarinta barnaamijyada,ayaa dalka Soomaaliya ugu deqay lacago gaaraya 3-milyan oo lacagta Ingiriiska ah.

Simon Coveney T.D iyo Mr. Ciarán Cannon, oo ah Wasiirada Arimaha Dibadda iyo kan horumarinta barnaamijyada iyo qurbo joogta ayaa sheegay in lacagaasi loogu talagalay sidii wax looga qaban lahaa xaaladaha ba’an ee dhinaca biniaadanimada ee ka jirta dalka Soomaaliya.

Kala bar 5.4 milyan oo Soomaali ah,ayaa la sheegay in ay u baahan yihiin kaalmooyin biniaadanimo oo wax ka tara dhibaatooyinka taagan xilligaan gaar ahaan dadka ku barakacay roobabka.

Sanadkaan 2018-ka Ireland,waxay mar kale diyaar u tahay in ay taageerto Hey’adaha Qaramada Midoobe ee ku howlan in dalka Soomaaliya la geeyo kaalmooyin wax ku ool ah oo xagga samofalka ah,sida cunto,dhar iyo waxyaabaha kale eel agama maarmaanka ah.

Sanadkii hore ee 2017-kii Ireland waxay Soomaaliya ugu deeqday 6.7 milyan oo qeyb ka ahaa taageerada lagu yareynayo dhibaatooyinka biniaadanimo ee ka jiray gudaha dalka


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here