Maamulka degmada Luuq oo kulan la yeeshay xubno ka socday Hay’addaha Samafallka

SHARE

Facebook

Twitter

Muqdisho (somalipm.com) kulankan ayaa waxaa looga hadlay sidii loogu gurman lahaa dadka ay saameynta ku yeelatay fatahaadii uu gaystay wabiga Jubba ee mara degmada Luuq iyo degaano ka mid ah gobalka.

Guddoomiyaha degmada Luuq Maxamed Xuseen Cismaan ayaa hay’addaha Samafalka warbixin dheer ka siiyay qasaaraha fatahaadaha ay gaysteen iyo wixii karaankooda ahaa oo maamul ahaan ay qabteen.

Guddoomiyaha oo warbixintiisa doorka ku saarayay dhibaatada ay geysteen fatahaada ayaa hay’addaha u sheegay in dhibaatada ay inta badan gaartay Beeraleyda Degmada Luuq iyo dadkale oo degaanka ah.

Gudoomiyaha degmada luuq Maxamed Xusen Cisman ayaa ugu danbeyn hay’addaha Samafalka faray in ay sameeyaan gurmad deg deg ah oo ay ku caawinayaan dadka fatahadu ay saameeyeen.

Qaar ka mid ah Saraakisha Hay’addaha oo kulanka ka hadlay ayaa dhankooda sheegay in ay marka hore sameyn doonaan kormeer si ay u soo ogaadaan baaxada fatahaada uu sameeyay wabiga Jubba ee mara inta badan deegaanada gobalka Gedo ka dibna ay la wadaagi doonaan hay’addaha ay ka tirsan yihiin si wax looga qabto dhibaatada soo gaartay dadweynaha degan Luuq.

SHARE

Facebook

Twitter

Previous articleAqoon isweydaarsi lagu Baranayo Maamul Daadajinta oo ka furmay Magaalada Dhuusamareeb+Sawirro


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here