Maamulka Hirshabeelle oo dar dar gelinaya howlaha Kalluumeysatada Gobolka Sh/dhexe

SHARE

Facebook

Twitter

Warshiikh(somalipm.com);- Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Dowladda Maamulka Hirshabeelle ayaa kullan la qaatay iskaashatooyinka Kalluumeysiga ee degmada Warshiikh,kaasi oo inta badan looga hadlay dhibaatooyinka heysta iskaashatooyinka Kalluumeysiga degmada Warshiikh iyo sidii lagu horumarin lahaa.

C/llaahi Macallim Mustaf,Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Maamul Gobolleedka Hirshabeelle iyo Kalluumeysatada ayaa kullankooda inta uu socday si weyn diiradda u saaray caqabadaha heysta Iskaashatooyinka ee ku aadan dhinacyada qalabka iyo amni darada mararka qaar ay la kulmaan iyo sida la iskala wada shaqeyn karo horumarinta iskaashatooyinka Kalluumeysiga ee deegaanada ku teedsan Xeebta Gobolka Shabeellaha dhexe.

Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Maamulka Hirshabeelle ayaa maalmihii u danbeeyay dadaal ku bixineysay dar dar gelinta howlaha horumarinta iskaashatooyinka Kalluumeysiga eek a shaqeeya Gobolka Shabeellaha dhexe.

Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa ka mid ah Gobollada Ilaahey ku maneystay Kheyraadka dabiiciga ah,kuwaasi oo u baahan in si wadajir ah looga faa’ideysto.

SHARE

Facebook

Twitter

Previous articleMasuuliyiin ka socda Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo maanta lagu soo dhoweeyey Dalka Jabuuti “Sawirro”


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here