Madaxa Wasiirada Galmudug oo tababar Dhuusamareeb uga furay 120-Haween+Sawirro

Dhuusamareeb(somalipm.com):- Haweenkaan Tiradoodu gaareyso 120, kana kala yimid Degmooyinka Gobolka Galgaduud ayaa tababarkaan looga furay Magaalada Dhuusamareeb, wuxuuna ku saabsan yahay sida Haweenku uga qeyb qaadan karaan Amniga ayna ula shaqayn lahaayeen Laamaha Amniga Gaar ahaan Booliiska.

Aqoon Kororsigaan ayaa waxaa iska Kaashaday Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka iyo Wasaaradda Amniga Maamulka Galmudug iyo Hay’adda horumarinta Barnaamijyada Qaramada Midoobay ee UNDP.

Tababarka ayaa waxaa si rasmi ah u furay Madaxa Golaha Wasiirada Galmudug Sheikh Maxamed Shaakir, waxaana ka soo Qaybagalay Xildhibaano, Wasiiro iyo Agaasimeyaal ka tirsan Maamulka Galmudug.

Uugu horayn ayaa furitaanka tababarka waxaa ka hadlay  Gudoomiyaha magaalada Dhuusamareeb iyo Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud,waxay si wadajir ah u soo dhoweeyeen tababarka haweenka loo qabtay.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Qorsheynta Maamul Goboleedka Galmudug ayaa iyana Munaasabada ka hadlay .

Wasiirka Wasaarada Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Galmudug Hodon Cabdi Shire ayaa waxa ay tilmaamtay inay Wasaaradeedu ku dadaalayso kor u qaadista Garaadka Haweenka Deegaanada Galmudug.

Ugu dambayn Madaxa Golaha Wasiirada Galmudug Sheikh MAxamed Shaakir ayaa waxa uu xusay in Haweenku Laf dhabar u yihiin Amaanka.

Aqoon kororsigaan ayaa waxa uu socan doonaa Mudo Sadax Maalmood ah waxaana lagu baran doonaa Casharo ku saabsan sida Haweenku ula shaqayn lahaayeen Laamaha Amaanka Gaar ahaan Booliiska ka Howlgala DeegaanadaGalmudug.

By: Maxamed Cabdi


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here