Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka oo dhagax dhigay Xarunta Tiyaatarka Qaranka

SHARE

Facebook

Twitter

Muqdisho (somalipm.com) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta dhagax dhigay xarunta Golaha Murtida iyo Maddadaalada Qaranka.

Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Qaranka Cabdinuur Maxamed Axmed oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu saaka dhagax dhigay xarunta Tiyaatarka Qaranka, halkaasi oo la qorsheynayo in muddo ka yar sanad lagu soo gabo gabeeyo dhismahiisa.

“Madaxweynuhu waxa uu balan qaaday in muddo sanad ka yar lagu soo gabo gabeyn doono dhismaha Tiyaatartaka Qaranka, waxaan rajeynaynaa in fanaaniinta ay halkaasi ku soo gudbiyaan hal abuurkooda” ayuu yiri Agaaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Qaranka.

Agaasimaha ayaa xusay in Tiyaatarka lagu dhisi doono barnaamijka uu hirgeliyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee isxilqaan, kaasi oo ay ka qeyb qaadan doonaan shacabka Soomaaliyeed, isla markaana lagu dhisi doono xarumaha danta guud.

SHARE

Facebook

Twitter

Previous articleXasuus Qaran:- Qaar kamid ah Dadkii Noloshooda kuwaayay Qaraxii Isgoyska Soobe
Next articleDowladda Soomaaliya oo gudbineysa codsigeeda kamid noqoshada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here