Madaxweynaha JFS oo ka qayb galay casho loo sameeyay madaxda ka soo qayb gashay Shir Madaxeedka Afrika+Sawirro

Share on Facebook

Tweet on Twitter

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay ka qayb galay casho uu Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Mudane Abiy Axmed u fidiyay madaxdii ka soo qayb gashay Shir Madaxeedka Midowga Afrika ee ka furmaya Addis Ababa.

Shir Madaxeedka Midowga Afrika oo barri furmaya ayaa sannadkan lagu lafo-gurayaa sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatada qaxootiga iyo barakacaayasha Qaaradda Afrika, iyo sidii gacan looga geysan lahaa wax ka qabashada dhibaatooyinka nololeed ee ku xeeran.

Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hadal-jeedin ku leh shirka waxuuna khudbadiisa diiradda ku saarayaa xal-u-helidda iyo maaraynta qaxootiga iyo barakacayaasha ku dhibaataysan dalalka Afrika, gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed ee ku sugan dalalka deriska ah, isaga oo soo bandhigi doona qorshaha dowladda ee ku aadan arrintan.

Did you like this? Share it:

SHARE

Facebook

Twitter

Previous articleTaliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Ciidamada Badda ugu Hambalyeeyay Xuska 54 Aad ee Aas Aaskooda
Next articleMadaxweyne Farmaajo oo Addis-Ababa kula kulmay Antonio Guiteres


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here