Madaxweynaha JFS oo maanta furaya kalafadhiga afaraad ee Golaha shacabka

SHARE

Facebook

Twitter

Muqdisho(somalipm.com);– Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta oo isniin ah si rasmi ah u furaya kalafadhiga afaraad ee Golaha shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Furitaanka kalafadhiga afaraad ee Golaha shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb galaya,Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan,,Xildhibaanada Baarlamaanka,xubno ka socda Beesha caalamka iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa la filayaa inuu Khudbad muhiim ah ka jeediyay furitaanka kalafadhiga afaraad ee Golaha shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa horay u iclaamiyay in 10-ka bishan September ee sanadkaan uu furmayo kalafadhiga afaraad ee Baarlamaanka,waxaana Xildhibaanada horyaala howlo muhiim  u ah dalka.

SHARE

Facebook

Twitter

Previous articleMaamulka Gobolka Banaadir oo dib-u-dhisaya Masjidkii iyo Dugsi Quraankii degmada Hawlwadaag+Sawirro
Next articleMadaxweynaha Sudan oo kala diray Golihiii Xukuumadda.


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here