Madaxweynaha Jubbaland oo booqday Fariisimaha Ciidamada ee Gobolka Jubbada Hoose+sawirro

SHARE

Facebook

Twitter

Kismaayo(somalipm.com):–Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta kormeeray Fariisimaha Ciidamada ee Gobolka Jubada Hoose, isagoo booqday deegaanka Baarsanguuni Halkaas oo dhowr bilood ka hor laga xoreeyay Kooxda Al-Shabaab.

Mudane Axmed ayaaa kormeeray deegaanka iyo meelaha ku dhow oo ay Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Darawiishta Jubbaland ay ka wadaan howlgalo sifayn ah, isagoo kala hadlay in la dardar galiyo sidii isku socodka dadweynahu u noqon lahaa mid wanaagsan.

Madaxweynaha Jubbaland  wuxuu sheegay in uu halkaasi u tagay si uu wakhti ula qaato Ciidamada una arko duruufta ay ku shaqaynayaan wuxuu xusay in niyad wanaag iyo mooraal wanaagsan uu ka muuqdo.

Argagixisada ayuu sheegay in lagag guulaysan karo in weerar midaysan lagu qaado taas oo meesha ka saaraysa in ay isku gurmadaan.

SHARE

Facebook

Twitter

Previous articleWasiirka Awqaafta & Arrimaha Diinta JFS oo Kulan Laqaatay Uqaabilsanaha Arimha Diinta Safaaradda Turkiga ee Soomaaliya


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here