Madaxweynaha Puntland iyo Wafdi uu hogaaminayo oo si weyn loogu soo dhoweeyay Baydhabo+Sawirro

Muqdisho(somalipm.com):-Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta oo taariikhdu tahay 3 June 2018 si diiran loogu soo dhoweeyey magaalada Baydhabo ee caasimadda kumeel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa Waxaa Garoonka Diyaaradaha Ee Magaalada Baydhabo kusoo dhaweeyey madaxweynha Maamul Goboleedka Kuunfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, masuuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed iyo Shacabweyne lulayey caleemo qoyan.

Ujeedka safarka Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ah ka qaybgalka shirka ka furmi doona saacadaha fooda inagu soo haya magaalada Baydhabo, shirkaasi oo ay ka qaybgali doonan Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda Dawladaha xubnaha ka ah dowladda Dowladda Soomaaliya, shirkaas oo lagu gurfeyndoono arimaha siyaasada, Cadaalada iyo amaanka guud ee Soomaaliya.

Dhinca Kale Madaxweymaha Maamulka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo warabaahinta la hadlay markii uu gaaray magaalada Baydhabo ayaa sheegey inuu magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka maamulka Koonfur Galbeed uu u yimi ka qayb galka Shirka amniga Qaranka.

“Aad iyo aad baan ugu mahad naqaynaa madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo shacabka reer Koonfur Galbeed soo dhowyenta iyo walaaltinimada ay nagusoo dhoweeyeen, marwalba waan uga mahad naqaynaa soo dhoweenta ay kamuuqato ehelnimo iyo Soomaalinimo waa ku mahadsan yihiin, waxaan u maleen laba todobaad ka hor bay ahayd markaan halkaan iskugu nimid Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka soomaaliya, hadana waxaa la iskugu soo laabtay baydhabo inuu ka dhaco shirkii amniga qaranka Soomaaliya, waxaan rajeenaynaa inuu shirkaas noqdo mid mirodhala oo u horseeda guul iyo horusocod aad ayaad u mahad santihiin” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Ugu Danbayn Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa inta uu joogo magaalada Baydhabo wuxuu kulamo la qaadan doonaa Madaxda Dawladdaha xubnaha ka ah Dawladda Federaalka soomaaliya, iyadoona madaxweynuhu kala xaajoondoono xaaladda dalka soomaaliya uu ku jiro xiligaan iyo sidii salka loogu dhigi lahaa amaanka guud ee Soomaaliya.


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here