Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Masar oo Shiinaha ku kulmay

SHARE

Facebook

Twitter

Muqdishso (somalipm.com)- Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Masar Mudane Cabdulfataax Al Sisi ayaa wadahadallo lagu sii xoojinayo xiriirka soojireenka ah ee labada dal ku yeeshay magaalada Beijing ee dalka Shiinaha.

Labada Madaxweyne ayaa Shiinaha u jooga ka qeyb galka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika (FOCAC) oo si toos u furmeysa berri.

Horey Madaxweynaha inta uu joogay dalkaas waxa uu la kulmay Madaxweynaha Shiinaha Ra’isulwasaaraha Itoobiya iyo Madaxda shirkadaha maalgashi ee waddankaasi.

Soomaaliya iyo Masar ayaa waxa ay leeyihiin xiriir soo jireen ah, waxaana Madaxweynaha kulankiisa ku qotomay sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka ka dhaxeeyo labada dal.

SHARE

Facebook

Twitter

Previous articleGolaha wasiirada XFS oo ansixiyay Xeerka Xayiraadda Lacagaha+Sawirro
Next articleRa’iisul Wasaare Khayre oo ku Amray Wasaarada Amniga in ay dedejiso Siyaasadda Xakamaynta Qaxootiga soo gelaya Dalka


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here