Madaxweyne Farmaajo oo gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya

SHARE

Facebook

Twitter

Muqdisho (somalipm.com) Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo saaka ka ambabaxay Caasimadda Muqdisho ayaa gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Madaxweynaha oo wafdigiisa ay ka mid yihiin Xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda iyo Saraakiil Ciidan ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Nairobi.

Madaxweyne Farmaajo ayaa maaanta la kulmi doono Dhigiisa Kenya Uhuru Kenyaata, iyagoona ka wada hadli doona arrimo quseeya Labada Dal.

Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Cabdi Nuur Maxamed Axmed oo la hadlay Wakaalada somalipm.com ayaa sheegay in Booqashada Madaxweynaha ay qaadan doonto Hal maalin.

SHARE

Facebook

Twitter

Previous articleMaxkamadda Darajada 1-aad ee CQS oo Xukun Dil ah ku riday Eedeysanayaal loo heystay Weerarkii Hotel Naasa Hablood 2+Sawirro


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here