Madaxweyne Siciid Deni oo ka qeyb galay aaska Jeneraal Carays + Sawirro

Madaxweynaha Puntland ayaa Maanta ka qeyb galay aas loo sameeyay Marxuum Gen. Cabdullaahi Cali Mire (Carays), oo Shalay ku geeriyooday Magaalada garoowe.

Aaska ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay, mas’uuliyiinta maamulka Puntland, Labada gole ee Dowlad Goboleedka Saraakiil madaxdii hore ee maamulkaasi, Culimaa’udiin iyo Dadweyne fara badan.

Marxuum Gen. Cabdullaahi Cali Mire (Carays) ayaa waxaa uu kamid ahaa Saraakiishii Ciidankii Xooga Dalka Soomaaliyeed, isaga oo markii danbe noqdey Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Puntland, isaga oo haatanna ahaa lataliyaha Madaxweynaha Puntland arrimaha amniga.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullahi Deni, oo ka hadlay aaska ayaa mar Labaad uga tacsiyeeyay ummadda Soomaaliyeed, shacabka Puntland, eheladii iyo qaraabadii uu ka baxay Marxuum Careys.

Did you like this? Share it:


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here