Madaxweyne Waare oo sheegay in laga Heshiiyay Tabashooyinkii Hirshabeelle u qabtay Dowlada Dhexe

SHARE

Facebook

Twitter

Muqdisho (somalipm.com) Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in laga heshiiyay Tabashooyinkii gaarka ahaa ee Hirshabeelle ay u qabtay Dowlada Federaalka, sidaa darteedna ay wada shaqeyn la yeelan doonaan Dowlada dhexe.

Madaxweyne Waare ayaa Dowlada Federaalka ugu baaqay inay ka mira dhaliso wada hadalada xalka loogu raadinayo Tabashooyinka ay qabaan Maamulada hoostaga Dowlada dhexe.

“Dowlada waa inay ka mira dhaliso wada hadalada socda, dhibaatooyinka aan sheeganana ay wax nagala qabtaan, hadii arrimaha jiro ay xaliyaan Maamulada kalena waxay dhihi doonaan Wada hadalka faa’iido ayaa ku jirta”.ayuu yiri Madaxweynaha Hirshabeelle.

Maamulka Hirshabeelle ayuu sheegay Madaxweynaha inuu ka gacan geysan doono isu soo dhaweynta Dowlada Federaalka iyo Dowlad Gobaleedyada si loosoo afjaro isfaham waaga taagan.

SHARE

Facebook

Twitter

Previous articleWasiirka Gaashaandhiga XFS oo Kormeeray Xarunta Tababarada General Gordan ee Muqdisho
Next articleWafuuda ka socota Aqalka sare oo Kulamo la qaatay Madaxda Dowlad Gobaleedyada


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here