Mahatir Maxamed oo ku guuleystay doorashooyinkii guud ee Malaysia

Malaysia(somalipm.com) Xisbiga mucaaradka Dalka Malaysia  oo uu hoggaaminayo Raiisul wasaarihii hore ee dalkaasi Mahathir Mohamad ayaa ku guuleystay doorashooyinkii guud ee ka dhacay dalkaasi,sida lagu sheegay natiijooyin hour dhac ah oo uu soo saaray guddiga.

War uu soo saaray Guddiga doorashooyinka ayaa sheegay in isbahaysiga mucaaradka ah ee Mr Mahathir ay ku guulaysteen kuraas gaaraysa 115 kursi, taas kor u dhaafaysa kuraastii loo baahnaa in dawlad lagu soo dhiso,taasi oo siweyn looga dareemay dalka Malaysia muddo kadib.

Siyaasiaga Mahathir Maxamed ayaa ah 92 jir ah,isagoo ka adkaaday isbahaysiga talada dalkaasi haya ee Barisan NaTional coalition,kaasi oo dalka Malaysia maamulayaya ilaa 60 sano.

Mar uu warbaahinta kula hadalayay caasimadda dalkaasi ee Kualalampur ayaa sheegay in uu doonayo isbedel muuqda islamarkaan uusan rabin wax aar goosi ah,wuxuuna ka guuleystay Najib Razak oo horey ay iska ag dhawaayen.

Waxaa lafilayaa in dhawaan xafiiska loo dhaariyo si ula wareega shaqada islamaarkaana uu soo dhiso dowlada wadaag ah,xisbiga talada haya ayaa lagu eedeynaya arrimo musuqmaasuq salka ku haya.


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here