Malta: maxkamadeynta shaqaale soo badbaadiyay dad qaxooti ah oo dib loo dhigay

SHARE

Facebook

Twitter

(somalipm.com)…Maxckamad ku taalla Malta ,ayaa dib u dhigtay dacwad lagu soo oogi lahaa ama maxkamad la soo taagi lahaa wadihii Markab la tilmaamay in uu soo badbaadiyay dad qaxoti ah oo ku safraayey Badweynta Mediterranean .

Naakhuudaha Markabkaasi Claus-Peter Reisch oo u dhashay dalka Jarmalka ayaa watay markab lagu magacaabo MV Lifeline,kaas oo ka mid ah 3-markab oo lagu qabtay Dekedda Malta,iyagoo sida dad qaxooti ah.

Wadaha Markabkaas ayaa ku dooday in uu badbaadiyay dad qaxooti ah oo Badda ku safraayey ,halka lagu eedeeyay in uu  ku shaqeysto qaab NGO farsameysan oo dadka lacag looga qaato ,waxaana laga joojiyay dhammaan howlihii.

Malta ,dad lagu qiyaasay 19,000,ayeey qaabishay laga soo bilaabo sanadkii  2002-dii,kuwaas oo laga soo badbaadiyay Badda

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in bilogii sanadkaan ay badda ku dhinteen dad gaaraya  1,700,halka la hayo Maraakiib qaab NGO-ah dadka u daabula iyo shaqaalihii la socday .

SHARE

Facebook

Twitter

Previous articleMadaxweynaha Soomaaliya oo u hambalyeeyay Madaxweynaha cusub ee Ciraaq


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here