Mareykanka oo maanta Safaarad ka furanaya Magaalada Qudus

SHARE

Facebook

Twitter

Qudus(somalipm.com):-Dad  aad u fara badan oo Falastiiniyiin ah ayaa isugu soo baxay magaalada Qudus oo maanta lagu wado in uu safaarad ka furto Mareykanka,waloow ay jiraan muran ku aadan tallaabadaasi uu qaaday  Madaxweyne Donald Trump.

Madaxda Israa’iil ayaa ku faraxsan furitaanka Safaaraddaasi ,halka dadka reer Falastiin iyo guud ahaan Madaxda Islaamka ay cambareeyeen qorshaha Qudus loogu  aqoonsanayo caasimad ay leeyihiin dadka Yuhuudda..

Xaflad lagu maamuusayo furitaanka safaaradda ayaa socota,waxaana la xaqiijiyay in dalal badan oo Yurub ah ay diideen ka qeybgalka xafladdaasi.

Saraakiil ka tirsan Mareykanka ayaa maanta oo Isnin ah ka qeybgalaya xafladda furitaanka,xunahaas ka qeyb-galaya waxaa kujira gabadha uu dhalay Trump iyo Seygeeda.

Go’aanka Trump ee safaaradda Mareykanka uu uga soo raray Tel Aviv,waxa uu caro ku abuurtay dadka reer Falastiin iyo guud ahaan shacuubta Caalamka Islaamka.

SHARE

Facebook

Twitter

Previous articleNatiijooyin horu dhac ah oo muujinaya in Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq looga horeeyo doorashadii Baarlamaaniga ee Dalkaasi


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here