
Muqdisho(somalipm.com):–War ka soo baxay Taliska ciidamada Militariga Mareykanka ee Afrika ee loo yaqaano Africom ayaa lagu sheegay in ay fuliyeen weerar is difaacid ah oo lala beegsaday Meleeshiyaadka Alshabaab,kaasi oo khasaare loogu geystay maleeshiyadaasi.
Weerarkan xagga cirka ah oo laga fuliyay meel qayaas ahaan 50-KM dhanka Waqooyi Galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ayaa Mareykanka uu sheegey in lagu dilay 18 kamid ah argagixisada Alshabaab.
Sidoo kale warkan Africom ayaa lagu sheegay intii uu socday weerarkaasi ay ciidanka xoogga dalka ay dileen labo Argagixiso oo ka tirsan Alshabaab.
Dowladda Mareykanka ayaa sii kordhisay weerarad lagu bartilmaameed-sanayso maleeshiyada iyo horjoogayaasha Alshabaab,iyagoo kaashanaya ciidanka Kumaandooska Soomaaliya,si loo ciribtiro kooxaha argagixisada.
Source: somalipm.com
