
Garsoore ka tirsan Maxkamadda sare ee Gobolka Texas ayaa dacwad la xiriirtay fal dil ah ku helay sarkaal Booliis hore oo caddaan ah oo ka dambeeyay dilka wiil yar oo dadka madow ahaa.
Sarkaalkaasi hore oo lagu magacaabo Roy Oliver,ayaa bishii April ee 2017-dii dilay wiil 15-sano jir ah oo lagu magacaabi jiray Jordan Edwards ,kaas oo la socday caruur dhallinyaro ah oo ku sii socday xaflad ka dhaceysay duleedka magaalada Dallas .
“waxa ay noo aheyd sanad adag,hadda waan faraxsanahay ” sidaasi waxaa yiri Aabaha wiilka la dilay oo maalinimadi shalay ku sugnaa gudaha Maxkamadda ee ay ka socotay dacwaddii lagu helay sarkaalkaasi.
Sarkaalkaasi caddaanka ah ee ka dambeeyay dilka wiilka madowga ah waxa uu wajahayaa xabsi u dhexeeya 5-illaa 99-sano.
Source: somalipm.com
