Marooko oo xukuntay Rag lala xiriirinayo Argagixisanimo

SHARE

Facebook

Twitter

Rabbaat-(somalipm.com)-Maxkamadda la dagaallanka Argagixisada ee Dalka Marooko ayaa xukunno u dhexeeya Lix illaa 20 Sano oo xabsi ah ku ridday 11 xubnood oo lala xiriirinayo inay ka tirsan yihiin Kooxo mintidiin ah.

Laba eedeysane ayaa lagu xukumay min Labaatan Sano oo Xabsi ah, Toddoba ka mid ahna waxaa lagu xukunay min 15 Sano, halka Labada kalana lagu xukuumay min Lix Sano oo Xabsi ah.

Raggan ayay Maxkamaddu kusoo oogtay dembiyo ah inay taageereen Kooxaha Argagixisada iyo inay abaabuleen Unugyo tuugo ah oo gudaha Dalka ka geysta falal argagixisanimo.

Kooxdan la xukumay ayaa lagu soo qabtay howl-gallo ay Sanad ka hor Ciidanka Boliiska ee Dalkaasi ka sameeyeen Magaalooyinka Tangier iyo Meknes oo dhaca Waqooyiga Dalka Marooko.

Isha/ Xinhua

SHARE

Facebook

Twitter

Previous articleMadaxweynaha Burundi oo sheegay inuusan mar kale tartami doonin


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here