Masar oo walaac ka muujisay Safaaradda uu Maraykanku ka furtay Qudus

Qaahira-(somalipm.com)- Madaxweynaha Dalka Masar Cabdi fitaax Al-siisi ayaa sheegay inay xaalad xasillooni darro ka abuurayso Gobolka Safaaradda uu Maraykanku ka furtay Magaalada Qudus .

 
“Marka la eego Safaaradda Mareykanka uu ka furay Qudus, ee aan bar bar dhignay arrintani saamaynta ay ku yeelan karto aragtida Bulshada Carbeed iyo tan Islaamka, waxay keeni kartaa qalalaaso ka dhasha Gobolka, ayuu yiri Madaxweyne Al-siisi.

 
Mr. Al-siisi, oo ka qayb qaadanayay Barnaamij toos ugu baxayay TV-ga oo ay Dhallinyaradu su’aalo ku weydiinayeen ayaa soo hadal qaaday tallaabadii ay Ciidanka Israa’iil ku laayeen Shacab Falastiiniyiin ah oo dhawaan bannaan baxyo ka samaynayay Marinka Qasa.

 
“Waxaan Israa’iil u sheegaynaa inay fahmto in jawaabaha ay Falastiiniyiintu ka bixinayaan ficilladan dhacaya ay yihiin kuwo sax ah oo ay xaq u leeyihiin, ayuu yiri, Al-siisi.

 
Al-Sisi ayaa ugu baaqay Falastiiniyiinta iyo Israa’el inay ka shaqeeyaan sidii loo joojin lahaa dhiigga ku qubanaya Gaza , markii ay Israa’el dishay 60 Falastiiniyiin ah Isniintii aynu soo dhaafnay, markii ay halkaasi ka dhaceen dibed baxyo lagaga soo horjeeda tallaabadii uu Marayaknaku Qudus ugu raray Safaaraddiisii Tel-Aviv.

 
Madaxweynaha Dalka Masar Cabdi fitaax Al-siisi oo saaxiib dhow la ah Maraykanka, isla markaana aan looga baran ereyo kul-kulul oo ka dhan ah xukuumadaha Washinton DC iyo Tel-Aviv ayaa lays weydiinayaa jawaabaha ay dhankooda ka bixin doonaan.


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here