Milliteriga Nayjeeriya oo lagu eedeeyay Kufsi

SHARE

Facebook

Twitter

Abuja-(somalipm.com)- Hay’adda xuquuqul Insaanka u doodda ee Amnesty International, ayaa Ciidanka xoogga Dalka Nayjeeriya ku eedeysay inay kufsi kula kaceen Haween iyo Gabdho kasoo cararay Ururka Boko Haram.

Ciidamada ayaa ls heegay inay Dumarkani ka hor istaageen inay la midoobaan Raggooda, iyagoo u geysta kufsi, mararka qaarkoodna waxay Haweenka ku jira Xeryaha barakacayaasha ku qasbaan Milliterigu inay jirkooda ku beddeshaan Cunto.

Amnesty ayaa sheegtay inay Waqooyi bari ee Dalka Nayjeeriya ku dhinteen Kumanaan gudaha Xeryaha Qaxootiga tan iyo Sanaddii Sanaddii 2015-kii.

War kasoo baxay Millitary-ga Nayjeeriya ayaa iska fogeeyay eedeeymaha ugu yimid Amnesty Intl, waxayna ku tilmaameen warbixintani mid been ah oo ay ka muuqato cadaawad.

Ciidamada xoogga Dalka Nayjeeriya ayaa tan iyo 2009-kii dagaallo kula jiray jabhadda Boko Haram, waxaana iska hor imaadyadaasi ku geeriyootay  30,000 Qof, halka Dadka ku barakacayna lagu sheegay inay gaarayaan 1.8 Milyan oo Qof.

Isha/The Star

SHARE

Facebook

Twitter

Previous articleDuqa Muqdisho oo Afur sharafeed u sameeyey Safiirrada dalalka Islaamka
Next articleBeesha Caalamka oo ku baaqday in la joojiyo colaadda Tukaraq


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here