Mucaaradka Turkiga oo soo dhaweeyay soo dedejinta doorashooyinka Dalkaasi

SHARE

Facebook

Twitter

Ankara-(somalipm.com)-Xisbiyada mucaaradka ee Dalka Turkiga ayaa aad usoo dhoweeyay soo dedejinta doorashooyinka Madaxtinimo iyo kuwa Baarlamaaniga ah ee Dalkaasi.

Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka MHP Devlet Bahceli ayaa boggiisa Twitter-ka ku sheegay inay soo dhawaynayaan go’aankii Madaxeyne Recep Tayyip Erdogan, ee ahaa inuu waqtigeeda kasoo hormarin doono xilligii loogu tala galay in la qabto doorashooyinka Dalka Turkiga.

Bahceli ayaa ka mahad celiyay tallaabadan, wuxuuna ku tilmaamay mid waddada u xaaraysa tubta nabadda , dimoqraaddiyadda iyo habka Dowlad wanaagga ee Dalkaasi.

Doorashooyinka Madaxtinimo iyo kuwa Baarlamaaniga ee Dalka Turkia ayaa lagu waday inay qabsoomaan November 2019, wuxuuse si lama filaan ah u shaaciyay Madaxweyne Erdogan in laga soo hormariyay waqtigoodii lagana dhigay 24-ka June ee Sanadkan.

Xisbiga AK Part oo hadda haya talada Dalkaasi ayaa haysta taageerayaal badan, waxaana lagu wadaa inuu mar kale ku guuleysto qabashada hoggaanka Dalka Turkiga.

Isha/ Anadolu

SHARE

Facebook

Twitter

Previous articleAMISOM oo tababar ku saabsan arrimaha bini-adanimada ku qabatay magaalada Jowhar


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here