Muqdisho oo maanta laga xusay maalinta Beeraha Carabta+Sawirro

SHARE

Facebook

Twitter

Muqdisho(somalipm.com);- Magaalada Muqdisho waxaa markii ugu horeysay maanta lagu qabtay Munaasabad lagu Xusayay maalinta Beeraha Carabta oo sanadkiiba mar la qabta.

Munaasabadda ayaa waxaa kasoo qeyb galay Wasiirka Beeraha , xildhibaano ka tirsan golaha shacabka, Safiirka jaamacadda carabta u fadhiya soomaaliya, wafdi ka socday dalalka jaamacadda carabta, wakiilka soomaliya u fadhiya Hey’adda FOA  , qubaro ku xeel dheer arimaha beeraha  iyo marti sharaf kale oo munaasabadda lagu casuumay.

Masuuliyiinta xaflada kasoo qeyb gashay ayaa ku dheeraaday ka Hadalka qiimaha ay leedahay maalinta beeraha carabta, waxeyna dhinaca kale isla meel dhigeen sidii la isaga kaashan lahaa horumarinta wax soo saarka dalalka jaamacadda carabta oo ay soomaaliya qeyb ka tahay.

Agaasimaha maamulka iyo maaliyadda ee wasaaradda beeraha iyo waraabka Axmed Cilmi Waasuge oo xafaladda kadib saxaafadda la hadlay ayaa sharaxay qiimaha ay leedahay maalinta beeraha carabta oo markii ugu horeysay dalka laga xusay.

Ugu dambeyn wasiirka Beeraha iyo waraabka Mudane Saciid Xuseen Ciid ayaa hadiyaddo gudoonsiiyey qaar kamida marti sharaftii kasoo qeyb gashay xuska munaasabadda maalinta beeraha carabta oo markii ugu horeysay la asteeyay sanadkii 1972.

SHARE

Facebook

Twitter

Previous articleGuddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Xaliyay tabashadii Iskaashatada Kawaanka ee Degmada Cabdicasiis+Sawirro


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here