Natiijooyin horu dhac ah oo muujinaya in Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq looga horeeyo doorashadii Baarlamaaniga ee Dalkaasi

SHARE

Facebook

Twitter

Ciraq(somalipm.com) Warar horu dhac ah oo laga helaya Natiijooyinka doorashadii Baarlamaaniga ahayd ee ka dhacday dalka Ciraaq Sabtidii ayaa tilmaamaya in labo xisbi siyaasadeed oo kale ay dhanka codadka kaga horreeyaan isbahaysiga uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare, Haider al-Abadi.

Natiijooyinka ayaamuujinaya in Codadka intooda badan la tiriyey ku dhawaad kala bar gobolada dalka, xisbiga siyaasadeed ee uu hoggamiyo wadaadka shiicada ah ee lagu magacaabo Moqtada al-Sadar ay u muuqda in uu kaalinta hore ku jiro doorashada.

Hoggaamiye Muqtada –Alsadar ayaa soo baxay kadib markii la riday madaxweynihii hore ee Ciraaq Saddaam Xuseen, asagoo ahaa hoggaamiye koox dhalin yaro ah oo kadhisan deegaan aad sabool u ah oo kamid ah magaalada Baqdaad ee casimadda Dalkaasi Ciraaq.

Hoggaamiyihii ku guuleysta doorashadda madaxtinimo ee dalkaasi Ciraaq ayaa waxaa horyaala caqabado dhowr ah ,waxaana ugu horeeya xal u helista loolanka siyaasadeed ee u dhexeeya Iiraan iyo Mareykanka oo ah labo dowladood oo galangal xoogan ku leh Arrimaha Siyaasadeed ee Ciraaq.

SHARE

Facebook

Twitter

Previous articleDanjire Jamaal Barrow oo warqadihiisa aqoonsiga safiirnimo u gudbiyay madaxweynaha Zimbabwe+sawirro
Next article Mareykanka oo maanta Safaarad ka furanaya Magaalada Qudus


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here