Nayjeeriya oo sheegtay in Boko Xaraam laga soo furtay Kun Qof

Abuja-(somalipm.com)- Ciidanka difaaca Nayjeeriya ayaa sheegay inay in ka badan 1,000 Qof kasoo badbaadiyeen Gacanta Ururka Boko Haran.

Brigadier General; Texas Chukwu,oo u hadlay Ciidanka Milliteriga Dalka Nayjeeriya ayaa sheegay in howl-gal ay ka sameeyeen Gabbal dhicii Isniinta Toban Tuulo oo ku yaalla Gobolka Borno, ay ku soo badbaadiyeen Dadkan.

Ciidamo isku dhaf ah oo ka kooban waddamada Nigeria, Cameroon, Chad, Niger, iyo Biniin, ayaa ka qayb qaatay weerarka, iyadoo Dadka lasoo furtayna ay u badnaayeen Dumar iyo Carruur.

War kasoo baxay Ciidanka difaaca Nayjeeriya ayaa lagu sheegay in qaar ka mid ah Raggii lagu qasbay in ay ka mid noqdaan dagaal yahannada Boko Haram ay ka mid ahaayeen Dadka lasoo badbaadiyey.

Boko Haram ayaa fulisay kumanaan Afduubyo ah, kuwaasoo inta badan loo geystay Dumarka iyo Carruurta, waxaana Sagaalkii Sano ee ugu dambaysay soconayay weerarro ka dhan ah Kooxdan oo ay ka qayb qaadanayaan Waddamada jaarka dhow la ah Nayjeeriya.

Boko Haran, ayaa 276 Gabdhood ka Afduubatay Iskuul ku yaalla Magaalada Chibok ee Gobolka Borno, Bishii Abriil 2014, waxaana weli gacantooda ku dambeeya Arday lagu qiyaasay 100 Gabdhood.

Kooxda Boko Haram, ayaa intii ay dagaalka billaabeen waxay sidoo dishay Dad ka badan 20,000,oo Qof, halka Dad gaaraya Laba Milyan oo Qofna ay ka bara kiciyeen Guryahoodii.

Isha/Al-Jaziira


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here