Ololaha is-xilqaan oo si dar-dar leh ugu socda Muqdisho-Sawirro

SHARE

Facebook

Twitter

Muqdisho-(somalipm.com)-Dowladda hoose ee Xamar ayaa howlo nadaafadeed ka billoowday Maanta Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ee Aaden Cadde International Airport.

Agaasimaha waaxda nadaafadda Dowladda hoose ee Xamar ayaa sharraxay ololahaani nadaafadeed ee Maanta la fuliyay.

Taliyaha saldhiga Boliiska ee Garoonka Aadan Cadde , G/Sare Axmed Maxamed Cali (Gaalkacayo) ayaa Dowlada hoose ku ammaanay dar-dargelinta barnmaajika is-xilqaan.

Guddoomiye kuxigeenka arrimaha bulshada Gobolka Banaadir Basma Caamir Jakeeti, waxa ay sheegtay in maamulka Gobolka Banaadir ay ka go’an tahay horumarinta bilicda Caasimadda.

Ololahan nadaafadeed oo qeyb ka ah Barnaamijka is-xilqaan ayaa si xowli ah ugu socda Degmooyinka Gobolka Banaadir tan iyo markii ay Madaxda Dowladda dhexe ku dhowaaqday dhawaan.

SHARE

Facebook

Twitter

Previous articleMusuq maasuqa waa caqabadda ugu wayn ee dawladinmada iyo horumarka
Next articleTababarka tababarayaasha Waxbarashada Madaniga ee dib-u-eegista Dastuurka oo ku soo gabagaboobay Jowhar


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here