OPCW “Kooxda xaqiiqo-raadinta oo wali dibadda ka jooga magaalada Douma,”

SHARE

Facebook

Twitter

Muqdisho(somalipm.com);- Kormeerayaasha caalamiga ee hubka kiimikada adduunka ayaa awoodi kari waayay iney gudaha u galaan magaalada Douma si ay u baaraan goobta looga shakisan yahay in lagu weeraray Hubka Kiimikada ah ee “Gaaska’’,Kooxda ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in laga eryay goobta ay doonayeen iney gaaraan.

Hay’adda mamnuucista hubka kiimikada Aduunka (OPCW) ayaa Arbacadii sheegtay in saraakiisha ammaanka ee Qaramada Midoobay ay magaalada galeen Talaadadii si ay u baaraan goobaha ay xaqiiqo-raadinta xaqiiqsadeen in ay baarayaan eedeymaha ah hubka kiimikada ee ay fuliyeen ciidamada dawladda April 7.

War qoraal ah oo ka soo baxay Hay’adda OPCW, ayaa lagu sheegay in Kooxda Qaramada Midoobay ka socotay ee baaritaanka u tagay magaalada Douma lagu soo riday rasaas iyo Aaladaha Qarxa,kuwaasi oo ku qarxay goob ay ku sugnaayeen oo ay booqdeen,taasina ay sababtay in durba kooxda baaritaanka si deg deg ah uga soo baxaan magaalada Douma ee dalka Suuriya,waxayna dib ugu soo laabteen magaalada Caasimada ah ee Dimishiq.

“UNDSS waxa ay sii wadi doontaa inay la shaqeyso Hay’addaha Qaranka Suuriya, Golayaasha Deegaanka ee Douma, iyo Ciidanka Booliska ee Ruushka si ay u eegaan xaaladda nabadgelyada”ayaa lagu yiri warka.

Ciidamada Dowladda Suuriya oo kaashanaya kuwa Ruushka ayaa lagu eedeeyay iney Hubka Kiimikada ah u adeegsadeen dagaal ka dhacay magaaada Douma,kuwaasi oo waxyeelo ka soo gaartay dad rayid ah.

SHARE

Facebook

Twitter

Previous articleKenya oo baadi goobaysa Rag lagu tuhmay  Al-Shabaab
Next articleFAALLO:- Dhirtu waa Nolole waa in la dhowraa


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here