Qaban qaabada xafladda Caleema Saarka Madaxweynaha Puntland oo socoto

Share on Facebook

Tweet on Twitter

Munaasabadda caleema saarka Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka soconaysa magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland, iyadoo ay halkaasi gareen wafuud kaladuwan.

Waxaa munaasabadaasi ka qeybgalaya Madaxda Qaranka, kuwa dowlad goboleedyada iyo marti sharaf kale, iyadoo ammaanka magaalada Garoowe si weyn loo adkeeyey.

Wafuudda ugu dambeysay ee ka qeybgalaysa waxaa ay tagayaan maanta gelinka hore, iyadoo la qorsheynayo inay dhacdo munaasabadda caleema saarka Madaxweyne Deni iyo ku-xigeenkiisa Axmed Karaash.

Magaalada Garoowe waxaa ku sugan Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo wafdi uu hoggaaminayo oo labo maalin ka hor tagay halkaasi, halka wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad ay Garoowe gaareen maalintii shalay.

Did you like this? Share it:

SHARE

Facebook

Twitter

Previous articleWasaaradda Batroolka “Waxaan Ummadda Soomaaliyeed u xaqiijineynaa in uusan jirin shidaal Soomaaliyeed oo la xaraashayo”


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here