Qasaarahii ka dhashay musiibadii ka dhacday Indonesiya oo sii korodhay

SHARE

Facebook

Twitter

Jakarta-(somalipm.com)-Kooxaha gurmadka iyo kuwa gargaarka deg-degga ah ayaa weli ku howlan samata bixinta Dadkii ku wax yeelloobay Dhul gariir iyo Sunnaami wada socda oo Todobaad ka hor ku dhuftay qaybo ka mid ah Jaziiradda Sulawesi ee Dalka Indonesia.

Sida laga soo xigtay Maanta oo Jimca ah Guddiga Qaranka ee Maareynta Musiibooyinka Dalka Indonesia , geerida ay sababeen Dhulgariirka iyo Sunnaamiga wada socda ayaa kor u dhaafaya 1,571 Qof.

Sutopo Purwo Nugroho, oo ah Af-hayeenka hay’adda maareynta musiibooyinka ee Indonesia, ayaa sheegay in qiyaastii 1,000 Qof loo malaynayo inay ku aasameen Dhoobada oo ay hoos u liqday 3 Mitir goobaha uu Dhul gariirka xooggiisa ka dhacay sida Palu, Balaroa iyo Petobo.

In ka badan 70,000 Oo Guri ayaa ku bur-burtay Dhul gariirkii uu baaxaddiisu ahaa 7.5 Recter Scale, kaas oo 28-kii Septembar ka dhacay Jaziiradda Sulawesi, isagoo Saacaddiiba jarayay masaafo gaaraysa 800 km.

Wasaarada Caafimaadka ee Dalka Indonesia ayaa sheegtay in kooxo caafimaad oo gaaraya 855 Qof ay ka shaqeynayaan aagagga ay dhibaatadu saameysay, waxaana meel wanaagsan maraya dib u howl-gelinta tamarta iyo adeegyada Shidaalka.

Isha/ Al-Jaziira

SHARE

Facebook

Twitter

Previous articleDowladda Soomaaliya oo war kasoo saartay murashax-nimada Mukhtaar Rooboow


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here