R/wasaaraha Spain oo lagu qasbay in uu iscasilo.

SHARE

Facebook

Twitter

Muqdisho(somalipm.com):–Baarlamaanka dalka Spain ayaa racdeeyay oo dibadda dhigay R/wasaare Mariano Rajoy ,kadib kolkii loo qaaday codka kalsooni kala labashada.

Ilaa 180- xildhibaan ayaa codka ugu badan kaga soo horjeestay R/wasaaraha maanta oo Jimco ah,waxaana loo heystaa in isaga iyo xisbigiisa ay galeen arrimo ay ka mid yihiin musuq-maasuq.

Waa R/wasaarihii ugu horeeyay ee loo qaada codka kalsooni kala noqoshada tan iyo wixii ka dambeeyay sanadkii 1977-dii.

Mr. Rajoy ayaa hadal uu jeediyay codeynta Baarlamaanka ka hor waxa uu u muuqday mid ogol in Mr. Sanchez oo ah hogaamiyaha mucaaradka uu qaban karo jagadaasi.

SHARE

Facebook

Twitter

Previous article11 Qof oo ku dhimatay Dooni ku rogmatay Harada Volta ee Dalka Gaana


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here