R/wasaare Kheyre oo ka qeyb galay Munaasabad lagu Xusayay 15-ka May

Muqdisho (somalipm.com) Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ka qeyb galay Munaasabad lagu xusayey Maalinta Dhalinyarada ee 15-ka May oo ku beegan 75 guuradi kasoo wareegatay Aasaaskii Ururkii xurnimo doonka Soomaaliyeed ee SYL oo loosoo agaasimey si ka duwan hab maamuus-yadi hore, waxaaba lagu qabtay taalada u taagan halgamayaasha ee 15-kii dhalinyaro ee SYL.

Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo qaban qaabisay Munaasabadan waxaana goobjoog ahaa Wasiirka Dhalinyaradda Khadiijo Maxamed Diiriye, Xildhibaano, Guddoomiyaha Gobalka Benaadir, Saraakiil Ciidan, Qaar ka mid ah Guddoomiyayaasha Gobalka iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa markii uu soo gaaray goobta ay Munaasabada ka dhaceysay Salaan ka qaatay Ciidamada qalabka sida iyo kooxda Banda Miyuusikada, wuxuuna intaa ka dib Fiyoore lagu xusaayo Aabayaashi Halganka Xoriyada aan ku naalooneyno dhigay Taalada SYL.

Sanad kasta bisha May 15keeda waxaa Dalka Soomaaliya laga xusaa Aasaaskii Xisbigii gobanimo-doonka ahaa ee SYL,waxaadna moodaa in  sanadkan Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaalia inay si ka duwan sanadihii hore ugu diyaar garowday.


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here