R/wasaare ku xigeenka dalka oo Xildhibaanada ku Bogaadiyay hanaanka dimuqraadiga ay u doorteen Guddoomiyaha cusub.

SHARE

Facebook

Twitter

Muqdisho (somalipm.com) Ra’iisalwasaare ku xigeenka xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Md Mahdi Mohamed Gulleid (Khadar) ayaa hambalyo udiray Guddoomiyaha cusub ee Golaha shacabka.

Ku xigeenka Ra’iisalwasaaruhu waxaa uu mudanayaasha baarlamaanka ku boogaadiyay hanaanka dimuqraadiga ah ee ku doorteen Guddoomiyaha cusub.

Qoraal kooban uu ku baahiyay boggiisa twitterka ayaa udhignaa sidan.

“Waxaan hambalyo u dirayaa Guddoomiyaha cusub ee Barlamaanka Md Mohamed Mursal. Waxaan u rajaynayaa in ilaahay xilka u fududeeyo, waxaan kale oo Golaha shacabka ku boogaadinayaa hanaanka Dimuqraadiyadu bud-dhiga utahay ah ee ay ku doorteen guddoomiyaha cusub”.

SHARE

Facebook

Twitter

Previous articleMadaxweyne Farmaajo oo hambalyo u diray Guddoomiyaha la doortay ee Golaha Shacabka
Next articleMadaxweyne Farmaajo “Waxaan Beledweyne u imid in aan idin la qeybsado xanuunka iyo dhibka aad ku jirtaan”+Sawirro


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here