R/wasaare ku xigeenka “Fikradaha xagjirnimada waxaa looga gudbi karaa aragti midaysan”+sawiro

Muqdisho(somalipm.com) Mudane Mahdi Maxamed Guuleed(Qadar) Raiisal wasaare              ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya oo ka hadlayay furitaanka tartan Qur’aan aqris heer Qaran ah oo sanad kasta la qabto ayaa si weyn ugu dheeraaday ka hadalka muhiimadda uu qur’aanka Kariimka uu u leeyahay dadka iyo  in la helo afkaar midaysan oo bulshada dhexdeeda ah si looga gudbo kala qoqobnaanta.

Raiisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya ayaa soo hadal qaaday fikradaha xagjirnimada ah iyo kooxaha diinta sida qaldan u adeegsada,hadana banaystay Muslimiinta,kuwaasi oo uu sheegay in looga gudbi karo oo kaliya in la helo bulsho haysata aragti midaysan Quraanka Kariimka ahna uu daawo buuxda u yahay.

“Marka hadii aynaan  la imaan xadaarad, aqoon, fikir midaysan iyo siyaasad ku salaysan Islaamka laguna dhisin manhajkeenna waxbarasho,waxaan ku sii soconaynaa fikirro kala duwan oo qaarkeen ay dhiigeenna banaysteen, qaarna ay leeyihiin ka daaya,waa lagama maarmaan in aragtida la mideeyo laguna dadaalo in wada hadal la furo si loo saxo dadka qaldan maskaxiyan maadaama aan qori waxba lagu maquuninkarin”. Ayuu yiri Mahdi Guuleed.

Munaasabadda daah furka barnaamijkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Diinta iyo Owqaafta  ayna maalgelisay hay’adda Qadar Charity dalka Qadar, waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa mas’uuliyiinta Wasaaarddaasi,kuwa dowlad goboleedyada,Culimaa’udiin iyo Danjirayaasha Wadamada Qadar iyo Turkiga uu fadhiya Soomaaliya

SHeekh Bashiir Axmed Salaad oo ah guddoomiyaha Hay’adda Culimadda Soomaaliyeed oo halkaasi ka hadlay ayaa soo jeediyay in la kordhiyo barashada iyo fahamka micnaha Qur’aanka Kariim,islamarkaana la dhiso xarumo lagu barto.

Cabdi Nuur Xaaji Cali oo ah madaxa Hay’adda Qadar Charity ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay dalka ka hirgeliyeen boqolaal xaruumood oo lagu barto dugsiyada qur’aanka,islamarkaana uu yahay Qur’aanka Kariimka mid ay xooga saarayaan’isagoo ka warbixyay qabsoomidda tartankan.

“Maanta waxaa farxadweyn inoo aha in aan daah furno mashruucan tartanka qur’aan aqriska heerka qaran ah, ayna ka qeybgalayaan dowlad goboleedyada,kaasi oo ay fulinayso wasaaradda Diinata iyo Owqaafta ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ayna maalgelinayso Hay’adda Qadar Charaty,waxaan sanadkasta xoogga saarnaa sidii tartamadan Qur’aan aqriska ah loo sii ballaarin lahaa,waxaa jira in boqolaal dugsiyo qur’aan ah aan hirgelinay”. Ayuu yiri Cabdi Nuur Xaaji Cali.

Wasiirka Diinta iyo Owqaafta Dowladda Soomaaliya Xasan Macalin Xuseen ayaa balanqaaday in abaalmarinno la siidn doona ardayda ku guulaysta tartanka.

“Tartankan Qur’aan aqriska ah wuxuu socon doonaa muddo hal isbuuc ah,waxaana la qaban dhoonaa markii uu dhamaado xaflad ballaaran oo ay ka soo qaybgali doonaan madaxda sare ee dalka,waxaana lagu bixin doonaa abaalmarino”. Ayuu yiri Wasiir Xasan Macallin.


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here