Ra’iisul wasaaraha Kuwayt oo  is-casilaadda xukuumaddiisa u gudbiyay Amiirka dalkaas

Share on Facebook

Tweet on Twitter

Ra’iisal wasaaraha dalka Kuwayt Shiikh Sabaax Al-Khalid Al-Sabaax ayaa iscasilaadda xukuumaddiisa u gudbiyay Amiirka dalka  Shiikh Nawaaf Al-Axmad maanta oo Arbaca ah sida ay sheegtay wakaaladda wararka dalka Kuwayt.

Tallaabadan ayaa timid kaddib markii wasiirro ka tirsan xukuumadda ay shalay is casilaadooda u gudbiyeen ra’iisal wasaaraha.

Xubno ka tirsan  baarlamaanka dalkaas ayaa hore u codsaday in ra’iisal wasaaruhu hor yimaado baarlamaanka si wax looga waydiiyo qaab dhismeedka xukuumadda.

SHARE

Facebook

Twitter

Previous articleShirka sannad laha ah ee Garsoorka dalka oo ka furmay magaalada Muqdisho
Next articleImaaraadka oo ugu baaqay  Suudaan iyo Itoobiya in ay dejiyaan  xiisadda ka taagan xadka labada dal


Source: somalipm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here