Ra’iisul Wasaare Khayre oo ka tacsiyeeyay geeridii ku timid Amb. Cabdiraxiin Caabi Faarax

SHARE

Facebook

Twitter

Muqdisho, May 14, 2018— Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa Tacsi u diray Dawladda Soomaaliyeed, eheladii iyo qoysaskii uu ka geeriyooday Safiirkii hore ee Soomaaliya ee Qaramada Midoobay, Marxuum Cabdiraxiin Caabi Faarax, oo ku geeriyooday magaalada New York.

“Ilaahay ha u naxariisto marxuumka, Qaranka Soomaaliyeed, Ehelkii iyo Qaraabadii uu ka baxayna Samir iyo iimaan Rabbi haka siiyo. Amb. Cabdiraxiin Caabi Faarax waxuu ahaa halyeey Soomaaliyeed oo in badan ka soo shaqeeyay arrimaha xal u raadinta Soomaaliya, Isagoo ku dedaali jiray in ay mar kale dawladnimadii Soomaaliya dib u soo laabato.” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Marxuum Cabdiraxiin Caabi Faarax wuxuu ahaa Diplomacy iyo siyaasi u soo shaqeeyay dalka Soomaaliya iyo Qaramadda Midoobay, isagoona ahaa shakhsiga kaliya ee Soomaaliyeed oo noqday kaaliyaha Xog-hayaha Guud ee Qaramadda Midoobay. Sidoo kalena waxuu ahaa qofka kaliya ee ka soo jeeda qaaradda Africa kaas oo ku dhawaaday in loo doorto Xogayaha Guud ee Ururka, taas oo sharaf u ah magaca guud ee ummadda Soomaaliyeed.

SHARE

Facebook

Twitter

Previous articleDhalinyaradii S.Y.L “Horseed ku dayasho Mudan”


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here