Ra’iisul Wasaare Kheyre” Kuwii ka dambeeyey Musiibadii 14-ka October wax Diin ah shaqo kuma lahan”

Muqdisho (somalipm.com) Xuska Musiibadii 14-ka October oo lagu qabtay Isgoyska 14-ka October Isgoyska Soobe ayaa waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Dalka Mudane Xasan Cali Kheyre, Ra”iisul wasaare ku xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Culumaa’udiin iyo dadweyne badan oo isaga kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir, kuwaas oo muujinayey sida ay ula xanuunsadeen walaalihii Soomaaliyeed ee ku waxyeeloobay Xasuuqii dhacay 14-kii October ee sanadkii hore.

Masuuliyiinta iyo shacabka Soomaaliyeed ee goobtaasi joogay ayaa u duceeyey walaalihii ku dhintay musiibadaas,iyagoo kuwii ku dhaawacmayna u rajeeyey in allaah uu siiyo caafimaad taam ah.

Ra’iisul Wasaaraha Dalka Mudane Xasan Cali Khayre oo halkaasi kula hadlay dadkii isugu soo baxay ayaa u mahad celiyey shacabka Soomaaliyeed oo door wanaagsan ka qaatay u gurmashada dadkii musiibadu ay soo gaartay, isagoo u tacsiyeeyey ehelada dadkii wax ku noqday musiibada.

“Marka hore waxaan halkaan uga tacsiyeynayaa dhamaan eheladii dadkooda ay ku waxyeeloobeen qaraxii foosha xumaa oo halkaan ay ka geysteen Arxan laawayaashii Diinlaawayaasha ahaa, ilaahey samir iyo iimaan ha idinka siiyo, waxaan sido kale u duceyneynaa dadkii halkaan ku dhaawacmay oo an leenahay ilaahey caafimaad deg deg ah ha idin siiyo, waana idin garab taaganahay”ayuu yiri Ra”iisul Wasaaraha Dalka.

Mudane Xasan Cali Kahyre ayaa sheegay in Al-shabaab oo fuliyey musiibadaasi aaney shaqo ku laheyn wax diin ah, balse ay fulinayaan fikir iyo shaqo ay u hayaan dad ajanabi ah.

“kuwa diinlaawayaasha ah ee qaraxaan geystan iyagu isma qarxiyaan oo waxey soo diraan caruur masaakiimiin ah, caruurtooda ma qaxiyaan oo waxey u dirsadaan Iskuulo, waxey qarxiyaan caruur Soomaaliyeed oo ay dhaleen Shacab Soomaaliyeed, iyagoo ah dad ku shaqeysanaya iney umad Soomaaliyeed u baabi’iyaan shaqo ay usoo dhiibteen kuwa Ajnabi ah”ayuu yiri Mudane Xasan Cali Khayre.

Madaxdii iyo shacabkii kale ee halkaasi isugu soo baxay ayaa sheegay in waajib ay tahay sidii loola shaqeyn lahaa Hay’adaha amniga si Cadowgu aaney fursad ugu helin iney geystaan falkan oo kale.


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here