Ra’iisul Wasaare Kheyre oo daah furay Barnaamijka Tirakoobka Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladda+Sawirro

Muqdisho (somalipm.com) Hubinta tiradda, tayadda iyo aqoonta shaqaalaha ayaa looga Golleeyahay barnaamijka  tiro koobayo shaqaalaha dowladda Soomaaliya,  taasi oo fududaynaysa  in shaqaalahu ay helaan tababaro iyo xuquuqda  aas-aasiga ah ee ay u baahan yihiin.

Ra’iisul Wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya  mudane Xasan Cali khayre ayaa ka qayb galay munaasabadda lagu daahfurayey  barnaamijka tirakoobka shaqalaha dowladda, waxaan sooqaban qaabisay wasaaradda shaqadda iyo arrimaha bulshadda Soomaaliya .

Hanti dhowraha  Guud ee Qaranka iyo Guddoomiyaha guddiga shaqaalaha rayidka dowladda ayaa sharaxay ahmiyadda  ay shaqaalaha u leedahay tira koobkaan lagu samaynayo.

Wasiirka Shaqada iyo Arrrimaha Bulshada Saalax Axmed Jaamac ayaa xusay in  tira koobkaan uu shaqaalaha siin doono  xaquuqaad  hada ka maqan.

Ra’iisul Wasaaraha  xukumadda federalka Soomaaliya Mudane  Xasan Cali Khayre oo furay munaabadda ayaa  tilmaamay in dib u habaynta shaqalaha dowladda  barnaamijka  isla xisaabtanka  iyo la-dagaalanka musuqa uu qeyb ka yahay.

“In la tirakoobo shaqaalaha waxey idiin suura gelineysaa kow inan ognahay Tirada iyo Tayada aan heysano intey la ektahay, labo inan u diyaar garowno inan sii dhisno tayada loo baahan yahay”ayuu yiri Mudane Xasan Cali Kheyre.

Barnaamijkaaan lagu tira koobayo  shaqaalaha dowladda ayaa ah mid xukuumadda Soomaaliya ay ku doonayso tayeynta shaqaalaha oo laf dhabar u ah   adeegyadda ay dowladdu u hayso  shacabka Soomaaliyeed.


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here